Home - Wararka Somalia - Jeesow: “Ciidanka laga wareejiyay Baarlamaanka,Jawaari ayey daacad u ahaayeen”.

Jeesow: “Ciidanka laga wareejiyay Baarlamaanka,Jawaari ayey daacad u ahaayeen”.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaannada wada moosinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa sheegay in Ciidamada laga wareejiyay dhismaha Golaha shacabka ay daacad u ahaayeen Guddoomiye Jawaari.

Jeesow oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay in isaga uusan 3 maalmood tagin xaruntaas isaga oo sheegay in Ciidamada horay u joogay Golaha shacabka ay daac u yihiin Jawaari islamarkaana ay xildhibaannada u diidayaan in ay galaan xaruntaas.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay XIldhibaan ka mid ah Golaha shacabka oo uu sheegay in lagu bahdilay xarunta Villa Hargeysa islamarkaana lagu yiri “nooga bax hoolka”.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo isna xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Golaha shacabka uu la wareegay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya islamarkaana ay xarunta farahiisa ka baxday.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in inkasta oo uu sharci darro yahay mooshinka isaga ka dhanka ah haddana oggolyahay in golaha la hor geeyo islamarkaan kulankaas lagu qabto meel dhex dhexaad ah oo ay Beesha Caalamka iyo Culimadaba joogaan islamarkaana aan lagu qaban xarunta Golaha shacabka oo ay laanta fulinta la wareegtay.

Daahir Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiyaha Golaha shacabka looga baahanyahay in uu xafiiska banneeyo islamarkaana uu ka hor leexdo Baarlamaanka.