Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Jose Mourinho oo isha ku haya daafac ka ciyaara Sera-da.

Jose Mourinho oo isha ku haya daafac ka ciyaara Sera-da.

Tababaraha Kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa isku dayi doona in uu Man United keeno kabtanka kooxda Ac Milan ee Leonardo Bonucci sida laga soo xigtay Tuttosport.

Sida uu wargaysku sheegay Jose ayaa doonaya in uu Bonucci ku xoojiyo daafaciisa dambe xilli ciyaareedka dambe.

Daafacan dhexe oo 31 jirsan doona 31 bishan ayaa Ac Milan ku qaatay sanad adag isaga oo sidoo kale dareemaya culays xad dhaaf ah oo ay sabab u tahay in isla markiiba kabtan looga dhigay kooxda.

Hadii uu boxo kooxda Ac Milan ayaa lacag fiican ka faa,iidi doonto kadib markii ay sanad ka hor ka soo bixiyeen lacag dhan 42 milyan oo euro.

Jose Mourinho oo doonaya in uu dhiso koox ku dagaalanta horyaalka premier League xilli ciyaareedk dambe ayaa aaminsan in uu khabiirkan qayb muhiim ah ka qaadan doono arintaas.

W/Q: (Maxamed Ahmed Lio)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*