Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Jose Mourinho: Oo ka hadlay dhaawicii xalay soo gaaray Paul Pogba”

Jose Mourinho: Oo ka hadlay dhaawicii xalay soo gaaray Paul Pogba”

Ciyaartii ugu horeysay ee Paul Pogba uu kabtan u noqdo  Manchester United waxa uu ciyaaray  kaliya 18 daqiiqadood isagoo  dhaawac loga saaray  kulankii furitaanka Champions League ee ay xalayto garaaceen  kooxda Basel.

Hogaamiyaha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan ogeyn inta uu gaarsiisan yahay dhaawaca Pogba balse  xiddiga reer France ayaa la arkay isagoo biro ku boodaya markii uu ka tagayay Old Trafford.

“Sida iska cad ma garanayo, laakiin markaan kaashado khibradeyda waxa ay ii la muuqataa dhaawac muruqa ah” ayuu yiri Mourinho.

Iyadoo Michael Carrick iyo Antonio Valencia ay kursiga keydka fadhiyeen, Pogba ayaa dhaxlay kabtanimada Old Trafford, laakiin waxa uu ku qasbanaaday inuu baxo ka dib markii uu booday muruqa lugtiisa bidix.

Marouane Fellaini ayaana bedelay Pogba, iyadoo xiddiga reer France uu soo bandhigay sida uu uga careysan yahay dhaawaca soo gaaray, waxaana uu calaamada  kabtanimada ku tuuray dhulka markii uu u sii socday qolka labiska.

Ciyaarta waxa ay markaas aheyd barbaro goolal la’aan ah ka hor inta uusan Fellaini gooldhalinta u furin kooxda martida loo ahaa isagoo madax ku dhaliyay gool daqiiqadii 35aad, waxaana ka dib guusha dhameystiray Romelu Lukaku iyo Marcus Rashford oo 3-0 ka dhigay.

Pogba ayaa ku riyaaqay bilow fiican xilli ciyaareedkan isagoo labo gool dhaliyay labadii kulan ee ugu horeysay ee Premier League.

W\Q: Maxamed Ahmed (Liyo)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*