Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Juventus oo ku guuleysatay tar-tanka Copa Italia.

Juventus oo ku guuleysatay tar-tanka Copa Italia.

Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay koobkoodii koowaad ee ololaha Saddexleey koobab ah oo ay sanadkan doonayaan waxaana ay Final-ka Copa Italia ku garaaceen kooxda SS Lazio.

Dani Alves ayaa hogaanka udhiibay kooxda Juve bilowgii qeybtii hore ee ciyaarta 12 daqiiqo oo kaliya markii ay socotay waxaana caawiye ka ahaa goolkaa Alex Sandro.

12 daqiiqo kadib Leonardo Bonucci ayaa dhaliyay goolka labaad ee Juventus 24 daqiiqo Alex Sandro caawiyihii goolkii hore ayaana mar kale caawiye ka noqday.

Kulankaa ugu dambeyn waxa uu kusoo idlaaday iyada oo ay gacanta sare leeyihiin xidigaha Bianconeri 2:0 ayeyna noqotay inay kula dabaal dagaan hanashada Copa Italia.

Kooxda Juventus waxa ay hogaanka uhayaan horyaalka Italia Seria A waxaana ay 4 dhibic ka sareeyaan kooxda Roma oo 2-aad ku jirta kaliya labo kulan ayaana ka harsan kulamada horyaalka.

Halka kooxda SS Lazio ay ku jirto booska 4-aad ee kala sareynta horyaalka waxa ayna 15 dhibic ka dambeeyaan kooxda Juve oo horyaalka hogaamineysa.

Juventus waxa ay ku dhaw yihiin inay sanadkan markii 6-aad oo xiriir ah ay udabaal degaan hanashada Scudetto , sidoo kale Champions League Final-kiisa ayey Real Madrid la balansan yihiin 3-da June.

 

Ad