Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Juventus oo Ku Raad Jogta Daafac Ka ciyaara horyaalka Spain.

Juventus oo Ku Raad Jogta Daafac Ka ciyaara horyaalka Spain.

W/D ( @AbdulahiHusein_ ) Kooxda tababare Allegri oo doonaysa inay iska adkeyso dhanka difaaca ayaa markaan u jihaysatay horyaalka Spain.

Shabakada Toto Sports  ayaa baahisay in Juventus ay xiisaynayso saxiixa daafaca Valencia ee Jose Luis Gaya.

Juventus ayaa u weecatay qorshaheeda labaad oo ah Luis Gaya kadib markii Napoli ay heshiis ka saxiixday Faouzi Ghoulam oo ahaa dooqooda koowaad.

Kooxda reer talyaani ayaa diyaar u ah in Luis Gaya ay ku buuxiso booska la filayo inuu baneeyo Alex Sandro dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Alex Sandro ayaa diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Juventus, wuxuuna dalabyo ka helayaa horyaalka ingiriiska.

One comment

  1. Hello, i read your blog occasionally and i own a similar one and i was just wondering if you get a lot of spam comments? If so how do you protect against it, any plugin or anything you can advise? I get so much lately it’s driving me crazy so any support is very much appreciated.