Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Karim Benzema oo jebiyay rikoorka gool dhalinta Champions League ee Henry.

Karim Benzema oo jebiyay rikoorka gool dhalinta Champions League ee Henry.

Xidiga kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa dhaliyay Gool kulankii ay kooxdiisu 3:1 kaga adkaatay kooxda reer Talyaani ee SSC Napoli kulanka lugta koowaad ee wareega 16-ka.

Karim Benzema ayaa dhaafay xidiga ay isku wadanka yihiin ee Thiery Henry taariiqda Gool dhalinta Champions League , goolkii uu dhaliyay kooxda Napoli waxa uu ahaa kiisii 51-aad.

Weerar yahanka kooxda Real Madrid ayaa iminka ku fariistay booska 5-aad kala sareynta gool dhalinta tar-tanka Champions League , waxaana bartil maameedkiisa xiga uu noqon doonaa xidigii hore ee Real Madrid Ruud Van Nistelrooy.

Benzema ayaa bilowgii xilli ciyaareedkan waxaa uu lahaa 46 Gool waxaana uu dhaliyay 5 Gool afartii kulan ee ugu dambeeyay oo uu kasoo muuqday kooxdiisa.

Ciyaar yahan Karim Benzema ayey ku qaadatay 51 Gool inuu ku dhaliyo 80 kulan oo uu kasoo muuqday kooxda Real Madrid oo imunka uu ka tirsan yahay iyo kooxdiisii hore Lyon.