Home - Wararka Somalia - Kenya: Jaamacadaha oo la geynayo boolis ka hortaga xagjireynta Ardeyda

Kenya: Jaamacadaha oo la geynayo boolis ka hortaga xagjireynta Ardeyda

Nairobi: Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay in Boolis dheeraad ah la geynayo xarumaha Jaamacadaha Waddanka Kenya kaddib markii ay soo baxday in Al-shabaab iyo Daacish .

Wasaaradda amniga Gudaha Kenya ayaa sheegtay in ay heshay in halka ugu badan ee Al-shabaab ay ka qortaan Dhallinyarada ay tahay Xarumaha Jaamacadaha Waddanka Kenya si taas loo naajinaya la geynayo boolis dheeraad ah oo joogto ugu sugnaada xarumaha Jaamacadaha Waddanka Kenya.

Thomas Sakah; oo ah ku xigeenka xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha Kenya ayaa sheeay in dowladda ay ogaatay in Ardey badan oo la waayay ay ku biireen Al-shabab ama Daacish islamarkaana ay ka dagaallamaan Gudaha Kenya,Somaliya iyo Syria.

Waxaa uu intaas ku daray in Sidroonka Kenya ay heleen xog muujineysa in Al-shabaab ay xarumo lagu xagjireeyo dhallinyarada Jaamacadaha ku leeyihiin xarumaha Jaamacadaha Waddanka Kenya,taasina ay sababtay in dowladda ay qaaddo tallaabo cusub oo ay arrintaas uga horgayso.

Ad