Home - Wararka Somalia - Kenya oo diyaarado ku raadineysa Saraakiil ay ka afduubteen Shabaab

Kenya oo diyaarado ku raadineysa Saraakiil ay ka afduubteen Shabaab

Xoogaga  Al Shabaab, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay gacanta ku dhigeen gaari ay la socdeen Saraakiil Dowladda Kenya ka tirsan, xilli ay ku socdaalayen Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta Kenya.

Xoogagan, ayaa waxaa la sheegay in gaarigaasi ay ka afduubteen Deegaanka Milihoi, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Lamu iyo Deegaanka Mpeketoni.

Saraakiisha Ciidamada Kenya waxay sheegeen in dhacdadani oo dhacday gelinkii dambe ee Khamiistii in Shabaabku ay ku qafaasheen dhammaanba lix qof oo gaarigaasi saarneyd.

Saraakiisha Kenya, ayaa Warbaahinta dalkaasi u sheegay in dadka la qafaashay ay ku jiraan Saraakiil sar sare oo ku sii jeeday Deegaanka Witu, oo barakac uu ka soconayo.

Saraakiishan oo aan magacyadoodu la shaacin, ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan hawlgal ay kaga daba taggayan xoogagii afduubkaasi ka gaystay Gobolka Xeebta. Waxay intaa ku darayan in hawlgalka samata bixinta ay diyaarado ka qayb qaadanayaan.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in lixda qof ee la qafaashay ay isugu jiraan afar ka mid ah Saraakiisha Dowladda Kenya, wadihii gaariga iyo duuliye diyaaradeed, oo tababar uu u socday.

Weerarkan waxa uu ku soo beegmaya, xilli Dowladda Kenya ay Isniintii ku dhawaaqday in weerar cirka ay ka bilowday Kaymaha Boni, oo deegaan ahaan hoos-tagga Degmada Lamu. Kenya waxay sheegtay in duqayntaasi ay ku soo afjareyso Dagaalamyaasha Shabaab, oo ku xoogeysanaya kaymahaasi.

Ad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*