Home - Amaanka - Koox hubeysan oo qof ku dilay Bakaaraha

Koox hubeysan oo qof ku dilay Bakaaraha

Wararka naga soo gaaya Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas ay koox hubeysan ku dileen qof ka mid ahaa dadka ku sugnaa suuqa.

Dilka ayaa ka dhaxay Qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha,waxaana Meydka qofka la dilay uu yaalla halkii  lagu toogtay.

Lama garan ilaa hadda qofka la dilay,Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta,waxaana ay ka sameeyeen baaritaan,Suuqa ayaa hadda waxaa ka socda howlgal ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dhowr jeer ayaa sidan oo kale dilal qorsheysan uga dhaceen Suuqa Bakaaraha iyada oo aysan jirin cid loo soo qabtay.

Filo Wixii ku soo kordha