Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Kooxda ugu Bandhiga wanaagsan Quarter Final-ka Champion-ka oo lasoo saaray.

Kooxda ugu Bandhiga wanaagsan Quarter Final-ka Champion-ka oo lasoo saaray.

Xalay iyo habeen hore garoomo kala duwan oo wadamada Yurub dhaca waxaa lagu ciyaaray kulamada lugta labaad ee wareega Sideed dhamaadka tar-tanka Uefa Champions Legaue.

Kooxo 4 ah ayaa ugudbay wareega xiga ee tar-tankan halka 4 koox oo kalena ay tar-tanka isaga hareen waxaana kooxaha soo gudbay ay kala yihiin Atletico Madrid , Real Madrid , AS Monaco & Juventus.

Kooxaha tar-tankan isaga haray waxaa ay kala yihiin Leicester City , Bayern Munich , Borussia Dortmund & Barcelona , Dortmund oo kaliya ayaana liiskan ku yeelatay Hal ciyaar yahan.

Juventus oo wareegan kusoo reebtay kooxda Barcelona ayaa liiskan hogaamineysa waxaana ay ku leedahay 5 Shan ciyaar yahan , kooxaha Real Madrid & AS Monaco ayaa ku yeeshay min 2 ciyaar yahan Saul Niguez oo ahaa dhaliyihii goolkii 100-aad ee kooxda Atletico kulamada Champion-ka ayaana kooxdiisa shaxdan ku matalaya.

Shaxda oo dhameystiran :-

Ad

Fikirkaada ka dhiibo