Home - Wararka Somalia - Kuwait oo Diyaarad Gargaar wadda u soo dirtay Somaliya

Kuwait oo Diyaarad Gargaar wadda u soo dirtay Somaliya

Kuwait: Dowladda Kuwait ayaa waxaa ay saaka soo dirtay Diyaarad Gargaar bani’adamnimo wadda,taas oo ku soo wajahan Soomaaliya.

Diyaaradda waxaa ay waddaa Gargaar ka kooban Raashin iyo Dawooyin loogu talagalay dadka ku tabaaleysan Gobollada Soomaaliya ee ay abaartu saameynta taban ku yeelatay.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay garoonka Diyaaradaha ee Cabdulla Al- Mubaarak,saaka oo khamiis ah waxaana ay ku soo jeeddaa Muqdisho.

Waliid Al Naciib; oo ka mid ah Agaasimayaasha Hay’adda bisha cas ee Kuwait,ayaa sheegay in Gobollo ka  mid ah Soomaaliya ay ka jirto abaar ay dadka u dhimanayaan,waxaana uu intaas ku daray in ay loo baahan yahay in Gargaar deg deg ah lala gaaro.