Home - Wararka Somalia - Kuwait oo qabatay Markab waday Dhuxul sharci darro ah oo laga qaaday Somaliya

Kuwait oo qabatay Markab waday Dhuxul sharci darro ah oo laga qaaday Somaliya

Ciidamo Huwan ah oo fadhigoodu yahay dalka Bahrain ayaa gacanta ku dhigay Markab siday shixnad dhuxul ah oo laga keenay Somaliya, taasi  oo la doonayay in hab kotorbaan ah loo galiyo Dalka Kuwait.

Wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA oo soo xiganaysa warbixin ay soo saareen ciidamadaasi, ayaa sheegtay in markabkan lagu qabtay biyaha wadanka Kuwai.

Markabka ayaa la sheegay inuu siday cadad badan oo dhuxusha laga keeno dalka Somaliya, taasi oo mamnuuc ka ah in la soo galiya dalkaasi.

Warbixinta ciidamada huwanta laguma sheegin magaca markabka, Halka uu ka soo shiraacday iyo inta tan ee dhuxul ah ee uu siday, waana markii u horaysay ee Markab dhuxul sida lagu qabto xeebaha badda carbeed.

Qaramada Midoobay ayaa horay u mamnuucday ganacsiga dhuxusha laga gubo dhirto iyagoo loo aanaynayo inay tahay ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee Kooxda Al-shabaab, hase yeeshee weli waa socdaa dhoofinta iyo ganacsiga dhuxusha ee loo iibgeeyo dalalka carabta oo ay ku jirto dalka Kuwaite.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo