Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Kylian Mbappé: “oo mustaqbalkisa Go’an ka Gaaray, Koox Ayuu Doortay”

Kylian Mbappé: “oo mustaqbalkisa Go’an ka Gaaray, Koox Ayuu Doortay”

Weeraryahanka halista badan ee kooxda As Monaco iyo xulka qaranka France  Kylian Mbappé ayaa go,aan kama dambays ah ka gaaray mustaqbalkiisa isaga oo kooxdiisa u sheegay kooxda uu doonayo in uu ku biiro xagaagan.

Kylian Mbappé ayaa kooxda Monaco u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Paris Saint-Germain inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga da,yarka ah ayaa si weyn loola xiriirinayaa in uu ka tagayo kooxda Monaco kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu xilli ciyaareedkii hore soo bandhigay.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay indhaha kooxaha ugu awooda weyn yurub kuwaas oo xagaagan oo dhan lala xiriirinayay in ay u dhaqaaqayaan adeegiisa.

Kooxaha Real Madrid,Barcelona,Man City,Liverpool iyo Arsenal ayaa dhamaan lala xiriirinayay saxiixa xiddigan kuwaas oo doonaya in ay da,yarkan la wareegaan xagaagan.

Si kasta ha ahaatee wargayska telefoot ee ka soo baxa dalka France ayaa sheegaya in uu xiddigan doortay kooxda PSG isaga oo xiddigan la dhacsan mashruucan kooxda reer France kadib markii ay la soo wareegtay Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr.

 

W/Q Abdullahi Hussein

4 comments

  1. Hi there! Someone in my Facebook group shared this website with us so I came to look it over. I’m definitely enjoying the information. I’m bookmarking and will be tweeting this to my followers! Excellent blog and fantastic style and design.

  2. You are completely right! I really liked reviewing this and I will get back for more straight away. Our site is on how to track mobile location, you could take a glance if you’re still interested in this.

  3. Hey, what do you really feel around how to attract a submissive woman? Extremely neat matter, right?

  4. I have been examinating out many of your posts and i can claim nice stuff. I will definitely bookmark your website.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*