Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Kylian Mbappe oo Xalay Rikoodh ka dhigay Champions League.

Kylian Mbappe oo Xalay Rikoodh ka dhigay Champions League.

W/D ( @AbdulahiHusein_ )Kylian Mbappe ayaa xalay Rikoodh cusub gisthay baalka Champions League kaddib goolkii uu ka dhaliyay Bayern Munich ciyaartii laga adkaatay kooxdiisa PSG.

Xiddiga reer France ayaa noqday gool dhaliyihii ugu da’da yaraa taariikhda Champions League ee 10 gool dhaliya.

Mbappe ayaa 10-ka gool ku gaaray  18-sano 11-bilood iyo 15 maalin.

Waxaa Rikoodhkan horey u heystay Karim Benzema 20 sano, 10 bilood iyo 2 maalin.

Rugcadaagii hore ee Barcelona Saviola ayaa isna 10 ka ku gaaray 21-sano iyo saddex bilood oo kaamil ah. Halka Lionel Messi uu tiradaasi ku gaaray 21-sano 3-bilood iyo 7-maalin.

Inkastuu Mbappe dhaliyay goolkiisii afaraad, 6 kulan uu ciyaaray CL xilli ciyaareedkan misane habeen farxad badan uma ahayn maadaama kooxdiisa lagu lagday 3-1.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*