Home - Wararka Somalia - Labo qof oo ku dhaacantahay Doon  ku bas beeshay Dekadda Boosaaso

Labo qof oo ku dhaacantahay Doon  ku bas beeshay Dekadda Boosaaso

Labo Ruux oo kamid ah 16;  shaqaale ayaa ku dhaawacmay Doon maanta ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Dhaawaca labadaan Ruux ayaa la geeyey Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso si loola tacaalo xaaladooda sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.

Doonta ayaa sidookale waxaa ku gubtay dhamaan hantidii saarnayd soo isugu jirtay Bagaash,Gawaari,Shidaal,Gaaska cuntada iyo Badeecooyin kale sida uu sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka dowladda Puntland Cabdirisaaq Nuur Cumar oo maanta warbaahinta kula hadlay dekedda Boosaaso ayaa shaaciyey in doon taasi ay u rarnayd ganacsato reer Puntland ah, kana soo shiraacatay dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa tilmaamay in doonta  ay cilladi ka soo wajahday dhanka matoorka ugu dambayntiina uu dabku gaarey qaybaha kale, waxaana uu sheegay inay ku dhaawacmeen labo kamid ah shaqaalihii saarnaa oo lagu dawaynayo xarumaha caafimaadka.

Dhanka kalena, wasiirka ayaa beeniyey in wasaaraddu ay ka gaabisay wax u qabashada doonidaasi maadaama markii uu dabku qabsaday ay maraysay meel qiyaastii 5 Mayl ka baxsan Dekedda Magaalada Boosaaso aysana gaari karin gaadiidka dabdamiska ee dekedda Boosaaso.

2 comments

  1. Aw, this was a really nice post. In concept I wish to put in writing like this moreover – taking time and actual effort to make an excellent article… however what can I say… I procrastinate alot and under no circumstances appear to get one thing done.

  2. Youre so cool! I dont suppose Ive learn anything like this before. So nice to seek out anyone with some original ideas on this subject. realy thanks for beginning this up. this website is one thing that is needed on the net, somebody with a bit of originality. useful job for bringing something new to the web!