Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Liverpool oo u dhaqaaqday saxiixa xidig Sporting Lisbon u ciyaara.

Liverpool oo u dhaqaaqday saxiixa xidig Sporting Lisbon u ciyaara.

Naadiga Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal la bilowday Sporting Lisbon saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Bruno Fernandes.

 

23 jirkaan ayaa ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee Sporting xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 13 gool, isagoona caawiyay 18 gool tartamada oo dhan.

 

Inkastoo afar kulan oo kaliya uu u saftay Portugal, Fernandes ayaa la rumeysan yahay inuu si adag u ciyaari karo si uu boos uga helo xulka Fernando Santos ee Koobka Aduunka xagaagaan.

 

Sida laga soo xigtay wargeyska Portugal ka soo baxa ee J Jogo, Liverpool ayaa isha ku heysay horumarka Fernandes xilli ciyaareedkan, waxaana lagu soo bandhigay qaab ciyaareedkiisa Europa League.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda Liverpool ay la kulmeen wakiillada ciyaaryahanka si ay ugala hadlaan heshiiska uu ugu biirayo Anfield xagaagan.

 

Fernandes ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Sporting, isagoo heshiis 7 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Sampdoria xagaagii lasoo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*