Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Loolanka kaalinta 4-aad oo adkaaday & rikooradii laga bartay Arsenal V Sunderland.

Loolanka kaalinta 4-aad oo adkaaday & rikooradii laga bartay Arsenal V Sunderland.

Kooxda Arsenal ayaa ka adkaatay dhigeeda Sunderland kulan muhiim u ahaa xidigaha macalin Wenger , inkastoo Sunderland ay horaan uxaqiijiyeen inay kasoo muuqan doonaan Championship-ka xagaaga dambe.

Kooxda Arsenal waxa ay rajo ka leeyihiin inay sanadka soo aadan ciyaaraan Champions League waase hadii ay ku dhameystaan 4-ta sare isla markaana Manchester United laga qaado tar-tanka Europe League oo ay kama dambeystiisa kula balansan yihiin kooxda Ajax.

Rikooradii laga bartay kulanka :-

  • David Moyes ayaa guul dareystay 16 kulan oo uu wajahay macalinka Arsenal Arsene Wenger kulamada Premier League waana macalinka rikoorka guul darrada ugu badan wajahay.
  • Macalin Wenger ayaa dhankiisa xaqiijiyay in kulankiisii 20-aad uu wajahay macalin David Moyes dhamaan tar-tamada uu guul ka gaaray inta uu maamulayo kooxda Arsenal.
  • Ma jirto koox ku dhameysatay halka ugu hooseysa horyaalka marka laga reebo Sunderland oo 3 jeer ku dhameysatay waxaa lamid ah kaliya kooxda Nottingham Forest oo 3 jeer ku dhameysatay halka ugu hooseysa horyaalka.
  • Alexis Sanchez ayaa dhaliyay 6 gool 5 kulan oo Premier League ah oo uu ka hortagay kooxda Sunderland waana koox kamid ah kooxaha uu ugu jecel yahay inuu gool ka dhaliyo kulamada uu wajahayo.
  • Sanchez ayaa si toos ah ugu lug yeeshay 33 gool oo Premier League ah xili ciyaareedkan 23 gool isagaa dhaliyay 10 kalena saaxiibadiisa kooxda ayuu ka caawiyay , waana mid uu kaga sareeyo dhamaanba ciyaar yahanada kale.
  • Tan iyo markii uu Ozil kasoo muuqday safka Arsenal 2013 bishii September waa midka ugu caawinta badan Premier League waxaana loo diwaan geliyay 41 caawin.
  • Kooxda Arsenal weli ma aysan guul dareysan kulan ay garoonkooda Emirates kula ciyaareen kooxda Sunderland 11 jeer waa ay guuleysteen 5 jeerna bar-baro ayey la galeen.