Home - Wararka Somalia - Maamulka Warsheekh oo xalay howlgal ku qabtay Rag Isbaaro u taallay

Maamulka Warsheekh oo xalay howlgal ku qabtay Rag Isbaaro u taallay

Maamulka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa gacanta ku dhigay Labo Qof oo ay Isbaao u taallay Degaanka Maaxaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe una dhaxeysa Degaanka Ceel Macaan iyo Degmada Warsheekh.

Waxaa xalay saqda dhexe dhacay howlgal ballaaran oo ay si wada jir ah u hogaaminayeen Gudoomiyaha Deg. Warshiikh Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) iyo Taliyahay ururka 28-aad ee ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed Col. C/qaadir Nuur (Qoondhe)

Howlgalkaasi ayaa kadhacay inta u dhaxeysa deegaanka Ceel-macaan iyo xarunta Deg. Warshiikh waxaana lagu soo qabtay labo maleeshiyo iyo hubki ay wateen kuwaas oo isbaaro ay safarka ku dhibaateynayeen dhigtay Deegaanka Maaxaay,

Labada maleeshiyo ee lasoo qabtay magacyadooda waxaa ay kala yihiin ,1 C/llaahi Muuse Xasan
2 Iidoow Cali Bishaar,waxaana gacanta lagu dhigay Hubkii ay wateen ee dadka ku baaranayeen.

Howlgalkaan ayaa sii socondoona maalmaha soo socda iyadoo Gudoomiyaha iyo Taliyaha ay wacad ku mareen in ay sharciga horgeyn doonaan qofkii lagu soo qabto isagoo taagan wadada.

 

Ad

Fikirkaada ka dhiibo