Home - Wararka Somalia - Madaxweynaha Ahlu-Suna oo noqonaya Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada Galmudug.

Madaxweynaha Ahlu-Suna oo noqonaya Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada Galmudug.

Maamulada Galmudug iyo Ahlu-Suna Waljamaaca ayaa ugu danbeyn heshiis dhameystiran ku gaaray Madaxtooyada Somaliya iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob ayaa waxaa labada dhinac ukala saxiixay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geele (Xaaf), Hogaamiyaha Ahlu-Suna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, dhanka Dowladda waxaa usaxiixay Wasiirka arimaha gudaha Somaliya C/ Faarax Siciid Juxa.

Qodobada ugu muhiimsan waxaa kamid ah, In Hogaamiyaha Ahllu-Suna Sheekh Shaakir noqonayo Wasiirka koowaad ee Golaha Wasiirada Galmudug,In la isku daro labada Baarlamaan ee Galmudug iyo Ahlu-Suna, In Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay joogayaan iyo Qodobo Kale.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*