Home - Wararka Somalia - Madaxweyne Farmaajo ayaa qaabilay danjiraha Mareykana ee Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaabilay danjiraha Mareykana ee Soomaaliya

Muqdisho: Kulan dhexmaray MW Farmaajo iyo danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz; ayaa ku saabsanaasida ugu fiican ee wax looga qaban karo 3; arrimood oo waaweyn,kuwaas oo kala ah Abaaraha, Amniga iyo mushaarka ciidanka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed; ayaa kala hadlay danjire Stephen Schwartz; kaalinta waxqabad ee dowladda Mareykanku ka qaadaneyso wax ka qabashada  arrimaha Ammaanka, Abaaraha iyo Ciidanka.

Danjire Stephen Schwartz; ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo, in ay dowladdiisu taageero la garab taagntahay
Wuxuuna haddiyad ahaan u siiyay koofi lagu xardhay Make Somalia Great Again.

Kulanka ayaa ka dhacay madaxtooyada Soomalaiya, oo uu khamiistii tagtay xilka kula wareegay madaxweyne Farmaajo.

Nala soco

Ad