Home - Wararka Somalia - Madaxweyne Farmaajo oo galabta Sadex Xil Magacaabay

Madaxweyne Farmaajo oo galabta Sadex Xil Magacaabay

Muqdisho- Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa waxaa uu galabta magacaabay xilalkii ugu horeeyay, oo ku aadan Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweynaha, ayaa qoraal ku magacaabay Danjire Cali Saciid Fiqi in uu noqdo Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa Xuseen Macalin Maxamuud u magacaabay La taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha, ayaa qoraalkan ku magacaabay Siyaad Maxamuud Shire in uu noqdo Madaxa Hab Maamuuska ee Madaxtooyada Somaliya.

Danjire Fiqi, ayaa hadda ahaa Danjiraha Somaliya u fadhiya Midowga Yurub ahna Wakiilka Somaliya ee Wadamada Belgium, Holland & Luxembourg.

Xuseen Macalin Maxamuud, ayaa wuxuu horey ula soo shaqeeyay Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka.

Siyaad Maxamuud Shire, ayaa hadda ku magacawnaa Qunsulka Somaliya ee Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta uun si rasmi ah ula wareegay Xafiiska Madaxtooyada, ayaa xubnaha uu soo magacaabay waxaa ay noqonayan kuwoodii ugu horeeyay ee uu magacaabo, tan iyo markii uu u soo wareegay Villa Somalia.

Ad