Home - Wararka Somalia - Madaxweyne Farmaajo oo Galabta u duulay Itoobiya

Madaxweyne Farmaajo oo Galabta u duulay Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika.

Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka aasaaska u dhigay Ururka Midowga Afrika, ka qeybgalka Madaxweynaha ee shirkanna waa mid aan dooneyno inaan sare ugu qaadno xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee aan la leenahay qaraadda inteeda kale.”

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda Afrika, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal.

Magaaladda Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gogol xaar u ahaa Wafdiga Madaxweynaha.

Socdaalka Madaxweynaha ee Addis Ababa ayaa ah kii saddexaad, tan iyo markii sanadkii hore uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha

455 comments

  1. cheap cialis generic online
    cialis
    discount cialis no prescription

  2. Hmm is anyone else having problems with the pictures on this
    blog loading? I’m trying to find out if its a problem on my end or if it’s the blog.

    Any responses would be greatly appreciated.

  3. Great, thanks for sharing this article.Much thanks again. Really Great.

  4. Really appreciate you sharing this post.Thanks Again. Really Cool.

  5. You could certainly see your enthusiasm within the work you write. The arena hopes for more passionate writers like you who are not afraid to mention how they believe. All the time follow your heart.