Home - Wararka Somalia - Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeyay Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeyay Uhuru Kenyatta.

Talaadii Todobaadkii tagay waxaa Kenya looga Dareeray Doorashada Dalkaasi, waxaana ku loolamaye Xisbiga Muxaafadka ah ee Jubilee iyo Isbaheysiga Mucaaradka ee NASA loosoo gaabiyo, Natiijooyin hordhac ahaa oo maal-mahaan Soo baxaye ayaa lagu sheegaye in uu Codadka ku horeeyo Xisbiga Jubilee oo uu Matale u ahaa Madaxweynaha Talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Xisbiga Jubilee oo Doorashada Guul kasoo Hoyiyey ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay.

Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay guddiga Doorashooyinka Kenya oo ay ku sheegeen in ay Doorashada ku qabteen mid xor iyo xalaal ah.

Madax fara badan ayaa durba bilawday in ay u hambalyeeyaan Madaxweynaha Dib loosoo doortay ee Kenya, Madaxdaas waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo.

Madaxwyene Farmaajo ayaa yiri “Kenyatta ma aha saaxiib qura, balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh. Waan ugu hambalyeynayaa guushiisa.”

“Waxaan kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya” ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska Farmaajo.

Madaxweynaha Dib loosoo Doortay ee Kenya ayaa dhashay October 26, 1961 Da’diisuna waa (age 55), Wuxuuna ku Dhashay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, Waxaana dhalay Madaxweynihii hore ee Kenya Jomo Kenyatta.

 

One comment

  1. Hey would you mind stating which blog platform you’re working with? I’m planning to start my own blog in the near future but I’m having a difficult time deciding to go with BlogEngine.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*