Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Man City oo suuqa laga ganaaxayo

Man City oo suuqa laga ganaaxayo

Kooxda Kubadda Cagta Dalka Ingiriiska ee Manchester City ayaa maanta saaran maxkamadda dhex dhexaadnimada Ciyaaraha ee Europe.

Kooxdan waxaa lagu heystaa in Sanadkii hore ay Ciyaaryahan ka soo iibsatay Kooxda Velez Sarsfield ee Dalka Argentine,waxaana Man City qabanaya xeerka Midowga Europe ee Kubadda Cagta oo faraya Kooxaha Europe in aysan Ciyaaryahan da’yar ka iibsan karin qaarad kale,kaas oo aan u dhalan Yurub.

Man City waxaa ay ku doodeysaa in 16 jirka Reer Argentine ee Benjamin Garre ay la soo wareegtay Sanadkii hore isaga oo xusayay dhalashadiisii 16aad sidoo kalena uu heysto Dal  ku gal Talyaani ah.

Maxkamadda dhex dhexaadnimada Ciyaaraha ee CAS,ayaa sheegeysa in Man City haddii kiiskan oo maanta oo isniin ah la dhegeysanayo looga adkaado  suuqa ka ganaaxmi doonto labada xilli Ciyaareed ee soo socda.

Kooxda Reer Argentine qudheeda waxaa ay sheegeysaa in saxiixa xiddiggaas ee Man City aysan raalli ka ahayn islamarkaana ay Maxkamadda dacwadda u gudbisay.

Kooxaha Real Madrid,Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa hadda wajahaya Ganaaxyadan noocan ah oo ay horay u galeen waxaana loo heystaa in ay soo iibsadeen ciyaartooy da’yar ah oo aan u dhalan Yurub.

W/Q:Adam Ibrahim Farah (Showqi)

adamshowqi@gmail.com

Mustaqbal Radio.