Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Manuel Nuer oo beeniyay inuu suuqa xagaaga ku biirayo Manchester City.

Manuel Nuer oo beeniyay inuu suuqa xagaaga ku biirayo Manchester City.

Gool hayaha xulka Germany iyo kooxda Bayern Munich Manuel Nuer ayaa xaqiijiyay in uusan jirin wax wadahadal ah oo dhexmaray isaga iyo macalinka Manchester City Pep Guardiola si uu xagaaga soo aadan ugu biiro kooxda Citizens.

Kooxda Manchester City ayaa dhibaato kahaysata booska shabaq ilaalinta, inkastoo ay haystaan goolhaye Claudio Bravo hadana kooxda ayaa qorshaynaysa inay lasoo wareegto goolhaye cusub maadaama gool hayaha reer Chile uu ku dhibtoonayo jawiga horyaalka England Priemer League.

Warar kasoo baxay England ayaa lagu sheegay in Pep Guardiola uu wadahadalo kula jiro goolhayihiisii hore ee Manuel Nuer oo haatan katirsan xidigaha uu kutashto macalin Carlo Ancelotti si uu xagaaga soo aadan uu uga mid noqdo kooxda Manchester City.

Nuer oo sanadkii hore loo doortay goolhayihii ugu wanaagsanaa ayaa saxaafada usheegay “sheekada ku biiritaanka kooxda Manchester City ma’ahan mid xaqiiqo ah, majiraan wax wadahadal ah oo nadhex marey aniga iyo Pep si aan xagaaga ugu biiro”

“waan kufaraxsanahay kooxda Bayern Munich, sidoo kale heshiis ayaan kula jiraa, marka tani waxay cadeynaysaa inaysan jirin wararka soo baxaya” ayuu hadalkiisa kusoo xiray goolhaye Manuel Nuer oo biyo qabow kushubay wararkii laxiriirinayay inuu lamidoobi doono macalinkiisii hore ee Pep Guardiola.

Ad