Home - Wararka Somalia - Mareykanka: 200; Milyan oo Ukun ah oo dib loo celinayo kaddib markii lagu arkay Bakteeriya

Mareykanka: 200; Milyan oo Ukun ah oo dib loo celinayo kaddib markii lagu arkay Bakteeriya

Dowladda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in dib loo celiyo 200; Milyan oo Ukun ah kaddib markii la ogaaday in ay ku jirto Bakteeriyada Salmonella.

Ugu yaraan 22 Qof oo Cudurkan ka qaaday Ukunta ayaa la arkay waxaana la dalbaday in gudaha Mareykanka dadka iibsaday Ukuntaas ay dib ugu celiyaan Dukaamada ay ka iibsadeen.

Ukuntaas waxaa ilaa hadda lagu iibiyay Suuqyada Gobollada kala ah; Colorado, Florida, New Jersey, New York, North Carolina, Pennsylvania, South Carolina, Virginia,  iyo  West Virginia ee dalka Mareykanka

Hay’adda fayadhowrka iyo bad qabka Cuntada Mareykanka ayaa dadka iibsaday ku amartay in ay dib ugu celiyaan Dukaamada iyada oo iyaguna loo celinayo lacagtii ay ku iibsadeen.

Hay’addo waxaa ay sheegtay in Bakteeriyadaas ay sababto Qandho qofka heyneysa 5-7 maamulmood iyada oo inta badan aan loo dhiman hayeeshee xanuun badan leh.

4 comments

  1. Thank you ever so for you article.Much thanks again. Want more.

  2. Great, thanks for sharing this blog post.Really looking forward to read more. Awesome.

  3. This is one awesome blog article.Thanks Again. Awesome.

  4. Enjoyed every bit of your blog article.Much thanks again. Really Cool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*