Home - Wararka Somalia - Mareykanka oo 3; dal ka dhigaya liibiya!

Mareykanka oo 3; dal ka dhigaya liibiya!

Tiriibuli: Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa in ay kala qeybiso Dalka Liibiya kana dhigto ilaa saddex dowladood oo iyada ka amar qaata.

Sarkaal ka tirsan Kooxda la talisa Madwxeyne Trump,ayey ka baxsatay sir ah qorshaha Madaxweyne Trump ee uu ka leeyahay dalka Liibiya.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka uu Danire cusub u magacaabayo waddanka Liibiya taas oo loo xilsaaray kala qeybinta Waddanka Liibiya.

Kaaliyaha Trump ee xiriirka Dibadda  Sebastian Gorka,ayey sirtan ka fakatay isaga oo la kulmayay Saraalkiil reer Yurub ah oo uu ka dhaadhicinayay in Yurub ay mareykanka ku taageerto qorshaha kala qeybinta Liibiya.

Saddexda dowlad goboleed ee loo qeybinayo dalka Liibiya waxaa ay kala yihiin Gently oo ka dhismeysa dhanka Bari,Tripoli oo Caasimadda ah oo uu maamulkeeda noqonayo Galneedka iyo Maamulka Fazzan oo laga dhisayo Koofurta Dalka Liibiya.

Sebastian Gorka,,waxaa la filayaa in dhawaan rasmi loogu magacaabo wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u joogi doona dalka Liibiya kaas oo la filayo in uu shaqadaas qabto.

Saddexda Gobol ee loo qeybinayo Liibiya waxaa  Gobollo u aqoonsanaa Maamulkii Cusmaaniyiinta ee Khilaafada Islaamka,waxaana hadda uu Trump qorsheynayaa in uu soo celiyo iyagii oo dalal ah.

Ad