Home - Wararka Somalia - Mareykanka: Xukunka rag damacsanaa weeraridda Somalida Mareykanka oo dib loo dhigay

Mareykanka: Xukunka rag damacsanaa weeraridda Somalida Mareykanka oo dib loo dhigay

Maxkamad ku taalla Gobolka Kansas ee dalka Mareykanka ayaa dib u dhigtay Maxkamadeynta 3 nin oo caddaan ah loona heysto qorsheynta weerar ka dhan ahaa Soomaalida Gobolkaas ayaa dib loo dhigay.

Raggan ayaa ku eedeeysay in ay qorsheeyeen weerar ay ka filiyaan dhisme dheer oo ay Soomaali deggantahay iyo Masaajid maalin kaddib doorashadii Mareykanka ee 2016kii dhacday.

Garsooraha Maxkamadda Federaalka Gobolka Kansas ayaa Eric Melgren,ayaa sheegay in xukunka ragga saddexda ah dib loo dhigay ilaa 6da Bisha September ee soo socota.

Nimankan waxaa lagu kala magacaabaa Patrick Stein, Gavin Wright aiyo  Curtis Allen,waxaana ay yihiin kuwo ka tirsan Urur xagjir ah oo soo galootiga neceb.

Dacwadaha loo heysto waxaa ka mid ah in ay qorsheynayeen dilka dad ku nool Mareykanka, in ay qorsheynayeen adeegsiga hub waxbadan bur buriya iyo mid ka mid ah Raggan oo been u sheegay Hay’adda Dambi baarista ee FBI-da.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*