Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Mario Balotelli Oo ku dhaw inuu ku biro Kooxda Marseille.

Mario Balotelli Oo ku dhaw inuu ku biro Kooxda Marseille.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Nice ee Mario Balotelli ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Olympique Marseille, iyadoo Roma iyo Fiorentina ayna ogolaan dalabaadkiisa.

Sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb, weeraryahanka kooxda Nice ayaa doorbidaya inuu baaqi ku sii ahaado Ligue 1 ka dib labo sanno oo aad u fiican oo uu ku qaatay France.

Xiddigan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isaga oo dhaliyay 26 gool 37 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.

Heshiiskiisa kooxda Nice ayaa dhici doona bisha dambe waxana lala xiriirinayaa in uu ku laabanayo Italy gaar ahaan kooxaha Roma iyo Fiorentia laakiin labada kooxood ayaan la kulmin dalabkiisa.

Sidaa darteed Balotelli ayaa haatan qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Marseille oo laga qaday koobka Europe League.

Waxa uu go,aansan doonaa in uu dhamaystiro ku biiristiisa Marseille hadii ay kooxdu xaqiiqsato booska champions League ee xilli ciayareedka dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*