Home - Wararka Somalia - Markab Hindiya leedahay oo Burcad badeedda ka badbaadiyay Markab ay afduubi rabeen

Markab Hindiya leedahay oo Burcad badeedda ka badbaadiyay Markab ay afduubi rabeen

Markab dagaal oo laga leeyahay Dalka Hindiya,ayaa waxaa uu Xeebaha Gacanka Cadmeed ka fuliyay howlgal ay Markab Ganacsi ku afduuban lahaayeen Kooxaha Burcad Badeedda Soomaaliya.

Markabka ayaa waxaa uu farriin ka helay Markabka kale ee laga leeyahay Dalka Leberiya kaas oo farriintiisu ahayd in uu wajahayo weerar Burcad Badeed ah.

Markabka Hindiya oo kaashanayay diyaarado dagaal agaa gaaray goobtii ay farriinta uga timid waxaana ay isku dhaceen  Raggii Burcad Badeedda ahaa oo watay laba Doonyood oo nooca dheereeya ah.

Is rasaaseyn kaddib Kooxa Burcad Badeedda ayaa ka baxsaday goobtii waxaana ay galeen Biyaha Soomaaliya sida ay sheegayaan saraakiisha Hindiya ee jooga Biyaha Gacanka Cadmeed.

Waxaa ay sheegeen in ay Burcad Badeedda gaarayeen 7-8 Nin oo labo Doon kala watay,waxaana ay intaas ku dareen in dagaal dhex maray kaddib ay kala hareen Qori AK47 ah iyo 28 Xabbo oo Rasaasta Qorigaas ah.

Sanadkan 2017ka waxaa xeebaha Soomaaliya dib ugu soo laabtay weerarrada Burcad Badeedda Soomaalida iyaga oo dhowr weerar oo ay qaadeen ku qafaashay Maraakiib iyo Doomo Ganacsi oo u badan kuwo Soomaali u rarnaa.

Ad