Home - Wararka Somalia - Markabka Sanchi oo Ololkiisa Biyaha Japan kusii siqaya.

Markabka Sanchi oo Ololkiisa Biyaha Japan kusii siqaya.

Markabkaan oo ah kuwa Qaada Saliidda ee Iiraan ayaa ku gubtay Xeebaha Dalka Shiinaha kadib markii ay isku dhaceen Markab kale oo Shixnad kale waday Todobaadkii tagay.

Waxaa wali Olol ka baxayaa Markabkii Saliidda Waday oo intiisa Badan Quusay, iyadoona Saliidda ay soo raacday Hirarka Badda ay gudaha u gashay Biyaha Japan.

Kooxaha Dab damiska ee Japan ayaa Maanta oo jimco ah waxa ay sheegeen in Markabka Sanchi uu usoo jirsaday 25-Mile oo u dhiganta (40 Kiilo-Miter) dhanka Xeebaha Koofureed.

Saraakiisha Ilaalada Xeebaha Japan ayaa ku dhawaaqay in uu dabka kusoo dhawaaday Magaalo Xeebeedyada Sokkozaki iyo Amami Oshima Gelinkii dambe ee Khamiista sida laga soo Xigtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Sanchi waxa uu ka diiwaan gashanaa Shirkadda Taankiyada Shidaalada Qaada Iiraan ee (NITC) waxa uuna waday 136,000 tan oo shidaal ah, una dhiganta ku dhawadad 1-Milyan oo Fuusto oo Shidaalka nuuca Fud-fudud ah, una socday Koofurta Kuuriya.

Dowladda Japan ayaa wada sidii ay u qaadi laheyd Tallaabooyin ay isaga Muuseyso Dabka ka ololaya Saliidda ka daadatay Markabkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*