Home - Wararka Somalia - Maxaad kala socotaa Howlgalka UK ee Somaliya?

Maxaad kala socotaa Howlgalka UK ee Somaliya?

Dalka Ingiriisku waxaa uu ka mid yahay Waddamada Ciidamada ay ka joogaan Caalamka,waxaana Ciidamada Ingiriisku ka qeyb qaataan nabadeynta Waddamada ay ka jiraan Argagixisada sida Soomaaliya,sida uu warbixintan ku sheegay Forces TV.

Howlgalka UK ee Soomaaliya waxaa ay Ciidanka ka jooga Muqdisho gaarayaan 85 Askari,kuwaas oo tababara Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Howlgalka UK waxaa uu u qeybsanyahay labo qeybood oo kala hoostaga AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya,waxaana Dhinaca AMISOM ka caawiyaan farsamada,tababarrada,wacyi gelinta iyo isdhex galk dhaqanka.

Dhanka Soomaaliya waxaa uu howlgalka si toos ah ula shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya,waxaana uu ka caawiyaa tababaridda Ciidamada Soomaaliya,Qalabeyntooda iyo sidoo kale mararka qaar in Dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan dhinaca sirdoonka.

Taliyaha Howlgalka UK ee Soomaaliya  John Wakelin,ayaa sheegay in inkasta oo weerarrada Al-shabab ee gudaha Soomaaliya ay geysanayaan khasaare badan,haddana waxaa uu qabaa in Waddanka uu ku sii jeedo waddada saxda ah.

Waxaa uu qiray in howlgalkooda uu halkan u joogo yareynta qataraha Al-shabaab,laakiin ay jirto in Al-shabab ay wali geysanayaan weerarro ay ku qaadayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

John Wakelin,Waxaa uu sheegay in marka loo eego 25kii Sano ee la soo dhaafay Soomaaliya ay hadda cagta saartay Waddada Dowladnimada,taasna ay sababtay taageerada Beesha Caalamka ee Muqdisho oo 6dii Sano ee la soo dhaafay sare loo qaaday.

Isha:Forces TV

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*