Home - Barnaamijyo - Kobciye - Maqal : Maxamed Cusmaan “ Amisom Waxa ay noogu caga jugleyneysaa in Ay Furan Doonaan Askarigii dilay Walaalkey.”

Maqal : Maxamed Cusmaan “ Amisom Waxa ay noogu caga jugleyneysaa in Ay Furan Doonaan Askarigii dilay Walaalkey.”

9 kii Bishan April ayay Gawaari ay wateen ciidanka Amisom waxa ay jiireen wiil 32 jir ahaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Cismaan Abbe Sheekh wiil kaasi ayaa kirishbooy ka ahaa mid ka mid gawaarida dadweynaha, xiliga ay gawaaridu jiirayeen waxa uu ku howlanaa furista lugta gaariga oo ka banjartay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday isgooska Siinaay ee Magaalada Muqdisho balse Gawaarida Amisom oo baxsad ah ayaa lagu qabtay Isgooska Sanco abaare 6:30 daqiiqo oo fiidnimo ah, ka gadaal dhacdadani foosha xun oo ay ciidanka Amisom caadeysteen waxaa gaariga iyo ninkii waday la geeyay Xarunta Ciidanka ilaalada Nabad Galyada Wadooyinka ee Fiisha-Taraafiko, nasiib daro gaarigii ayaa la sii deeyay goor habeen ah halka Askarigii Amisom-ta uu xirnaa.

Maxamed Cismaan AbbeSheekh oo ah walaalka Cali Cismaan AbbeSheekh oo ay ciidanka Amisom dileen ayaa sheegay in ay la kulmeen Saraakiisha Ciidanka Amisom balse aysan ka helin war ay ku qancaan kaasi oo ahaa in ay bixinayaan 300 $ oo duug ah Askarigoodana ay rabaan in loo siideeyo haddii la diidana waxa ay sheegeen in ay xoog ku soo furanayaa.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ,Maxkamada Ciidanka iyo mida Gobolka Banaadir  oo Hanjabaadaasi gaartay ayaa Askariga Amisom ka tirsan u dhaadhiciyay Xabsiga dhexe ee dalka Si cadaaladda loo hore keeno xili uu ku xirnaa Fisha-Taraafiko.

Haddaba Maxamed Cismaan AbbeSheekh oo la dhashay Marxuumka dhintay ayaa ka sheekeynayo sida ay dhacdadku u dhacday iyo halka ay hadda wax marayaan Nasriin Maxamed Ibraahim Ayaa Wareysatay.

      WAREYSI MAXAMED CISMAAN WALAALKA NIN AMISOM AY DISHAY 9 KII BISHAN

Ciidamadda Amisom hore ayay u geysteen dhibaatooyin kuwani la mid ah iyo kuwa ka waaweyn mana jirto sharci u gaar ah oo lagu ciqaabayo,waana sababta ay u sahshadaan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Ad

One comment

  1. Ali mohamed osman

    Yes waa talabo lagu farxo