Home - Wararka Somalia - Maxkamad ku taalla Canada oo muwaaddin Somali ah ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad ku taalla Canada oo muwaaddin Somali ah ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad ku taalla Magaalada Ottowa ee Dalka Canada ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Cali Cumar Adeer oo lagu eedeeyay in 2008ddii uu Muqdisho ku afduubtay Gabar Wariye ah iyo sawirqaadaheeda kana  qaatay madaxfurasho gaareysa $10,000 oo Doollarka Mareykanka ah.

Cali Cumar Adeer ayaa lagu xiray Dalka Canada Sanadkii 2105kii markaas ,markaas oo uu ka degayay Garoonka Diyaaradaha ee Ottowa.

Cali ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in falka afduubka ah ee ka dhacay Muqdisho uu isaga ka ahaa turjumaan hayeeshee uusan ku lug lahayn afduubka Gabadha Reer Canada iyo sawirqaadaha Australia u dhashay ee la socday.

Ehelka gabadhan ayaa bixiyay lacag madax furasho ah Bishii November ee Sanadkii 2009kii,waxaana 15 bilood kaddib xorriyaddooda dib u helay Amanda Lindhout oo ah Gabadha wariyaha ah iyo sawirqaade Nigel Brennan.

Tobankii maalmood ee la soo dhaafay ayey Maxkamadda socotay waxaana Cali uu Maxkamadda ka sheegay in uusan marna ku lug yeelan afduubka ee uu labada dhinac u kala turjumyaya,hayeeshee Garsoore Robert Smith oo ah garsooraha Maxkadda ayaa sheegay in Cumar lagu xukumay Xabsi daa’in falkaas afduubka ahna lagu helay.

Xukunka ayaa lagu dhawaaqi doonaa Sanadka soo socda ee 2018ka,waxaana Cumar oo Xabsiga ku jiray tan iyo 2015kii uusan ka wal walin go’aanka garsooraha xilligii ay dhamaatay Maxkamadeynta.

Qareenka Cali Cumar Adeer oo lagu magacaabo Trevor Brown,ayaa ku dooday in xaaladda Soomaaliya eee 2009kii marka dib loo eego aysan ahayn meel amaan iyo sharci ka jiray sidaas darteedna Xukunka Adeer uu yahay mid ay Maxkamadda ku deg degtay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*