Home - Wararka Somalia - Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah fulisay

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah fulisay

Muqdisho: Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Somaliya, ayaa saaka xukun dil ah waxa ay ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan oo ku eedeysnaa inuu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaasi oo ka dambeeyay qarax ka dhacay Degmada Waaberi.

C/qaadir Cabdi Xasan oo ah ninka la toogtay ayaa maxkamada waxa ay ku eedeysay inuu fuliyay qaraxii Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi 26-kii Bishii November ee sanadkii 2016-kii.

Saraakiisha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay ninkaan inuu horay u qirtay dambiga ah inuu ka dambeeyay qaraxaasi Al Shabaabna uu ka mid ahaa.

Qaraxii Suuqa Beerta ka dhacay 26-kii Bishii November ee sanadkii 2016-kii waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ah, kuwaasi oo laamiga hareerihiisa ku ganacsanaayay.

Xilliga qaraxaasi uu dhacaayay dalka waxaa Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore oo xilliga qaraxa dhacaayay ku sugnaa meel aanan ka fogeyn goobtaasi.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa fulisa xukunada dilalka ah xubnaha ka tirsan Al Shabaab iyo ciidamada gaysta dilalka dadka rayidka ah.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo