Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Mohamed Salah: Oo laga yaabo inuu sego kulanka kooxdisa ay ciyaaridoonto cawa”

Mohamed Salah: Oo laga yaabo inuu sego kulanka kooxdisa ay ciyaaridoonto cawa”

Wararyahanka  garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa kulanka cwa Liverpool ay la ciyaari doonto kooxda Sevilla kana  tirsan champions league.

Salah ayaa markii uu yimid tababarka kooxda Liverpool isugu diyaarinayso kulanka Sevilla dib loogu diray gurigiisa kadib xanuun uu dareemay xiddiga.

Weraryahankan  sida fiican ula qabsaday kooxda Liverpool ayaa la balay qabtii dambe ee ciyaartii ay Reds guuldarada weyn kala kulantay kooxda City.

Inkasta oo uu tababare Jurgen Klopp sheegay in aanu xiddigan wax dhib ah qabin hadana xiddigan ayaa seegay tababarkii ay Reds maanta qaadatay isuguna diyaarinaysay kulanka Sevilla.

Ciyaaryahankan  ayaan wali la ogayn in uu ka qayb qaadan doono kulank Sevilla laakiin waxa la filayaa in Tababare Jurgen ka warbixiyo xaaladiisa saacadaha soo socda markaas oo uu qaban doono shirkii ka horeeyay kulanka Sevilla.
W\Q: Maxamed Ahmed (Liyo)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*