Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Monaco oo dubatay Borussia una gudubtay Semi Final-ka Champion-ka.

Monaco oo dubatay Borussia una gudubtay Semi Final-ka Champion-ka.

Kooxda ka dhisan France ayaa labadii kulan ay Minin iyo Marti guul ka gaartay kooxda Germany ee Borussia Dortmund kulankii lugta hore ee ka dhacay Jarmalka ayey kooxda Moanco guul gaartay ciyaartaa oo ku idlaatay 3:2.

Kulankii Signal Iduna Park ee todobaadkii hore waxaa ka dhacay shaqaaqo kooban kadib markii bam uu ku qarxay gaarigii ay saarnaayeen ciyaar yahanada Borussia , habeenkii Talaadada ee ciyaartaa qorshuhu ahaa dib ayey uga dhacday waxaana la ciyaaray Arbacadi.

Kulankii xalay hadii aan u imaano AS Monaco ayaa bandhiga goolasha ku horeysay Kylian Mbappe ayaana 3 daqiiqo gool udhaliyay isla qeybtii hore 17 daqiiqo goolka labaad waxaa dhaliyay Radamel Falcao.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 2:0 oo ay natiijadu ku hogaamineysay kooxda Monaco , markii leysku soo laabtay Marco Reus ayaa gool usoo celiyay kooxdiisa waxaana ugu dambeyn ciyaartu ay kusoo idlaatay 3:1.

Natiijadii kulankii xalay ayaa la micno ah in cel-celis ahaan labada lug ay Monaco kusoo gudubtay 6:3 iyada oo wareega Afar dhamaadka kula biirtay kooxaha Juventus , Real Madrid & Atletico Madrid.

Isku aadka wareega Semi Final-ka ayaa la sameyn doonaa maalinka berito oo taariiqdu tahay 21 April waxaana sanadkan kama dambeysta tar-tanka marti gelintiisa iska leh Cardiff oo Wales ah.

Ad