Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Morata oo soo gaabiyay bishiisa Malabka si uu ugu biiro Man U
** RIGHTS: ONLY UNITED KINGDOM, ITALY ** Formentera, SPAIN - Real Madrid's striker Alvaro Morata and wife Alice Campello are back in Formentera after their honeymoon. Pictured: Alvaro Morata, Alice Campello BACKGRID UK 26 JUNE 2017 BYLINE MUST READ: LAGENCIA GROSBY / BACKGRID UK: +44 208 344 2007 / uksales@backgrid.com USA: +1 310 798 9111 / usasales@backgrid.com *UK Clients - Pictures Containing Children Please Pixelate Face Prior To Publication*

Morata oo soo gaabiyay bishiisa Malabka si uu ugu biiro Man U

Alvaro Morata ayaa soo gaabiyay Bishiisa Malabka ee uu Arooska ku ahaa Magaalada Ibiza,waxaana uu ku laabtay Magaalada Madrid si uu halkaas uga amba qaado wada xaajoodka la xiriira in uu ku biiro Kooxda Man United ee dalka England.

Morata waxaa uu aad u jecelyahay in uu ku biiro Kooxda United halkaas oo uu joogo Jose Mourinho oo ah Macallinkii sii hore sidoo kalena u ah taageere weyn

Mou,ayaa Morata dhowr jeer kula hadlay taleefanka sida ay qoreyso AS oo ka soo baxda Spain,waxaana ay labada Nin kawada hadlayeen sidii ay mar kale dib ugu midoobi lahaayeen kaddib 3 Sano oo uu Mou maamulayay Real Madrin Moratana maamulayay.

Xiddigan ayaa doonaya in uu riyadiisa ka rumeeyo,waxaana uu hadda ku biirayaa wadaxaajooda yaasha labada Kooxood ee fadhiga ku leh Madrid si loo dhameeyo saxiixa Alvaro Morata.

United ayaa xiddigan ku dooneysa adduun lacageed oo dhan 70Milyan oo Yuuroo,14 kulan oo uu ku soo billowday Laliga waxaa uu dhaliyay 15 Gool,waana midda Macallin Mou ku qasbeysa in xiddigan uu ku biiriyo EPL-ka.

Ad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*