Home - Wararka Somalia - Nabaddoon xalay lagu dilay Baraawe

Nabaddoon xalay lagu dilay Baraawe

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose waxaa ay xalay koox hubeysan ku toogteen Naddoon Magaciisa lagu sheegau Sayiddinaa Xaajoow oo ka mid ahaa Odayaasha caanka ah ee Degmada.

Dilka Odaygan oo xalay dhacay waxaa geystay koox Baskoolado ku hubeysan,waxaana dilka kaddib goobta tagay Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa qoraya in Nabaddoon Sayiddinaa uu wada shaqeyn la lahaa Maamulka dowladd aSoomaaliya ee degmada Baraawe ka jira hadda.

Kaddib dilkaas degmada Baraawe ayaa xalay banddaw waxaa ku rogay maamulka degmadaas waxaana Ciidamada ay billaabeen baaritaanno dheeraad ah iyada oo ilaa hadda aan la xaqiijin cid loo soo qabtay dilka Nabaddoon Sayiddinaa Xaajow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*