Home - Wararka Somalia - Nabdoon Maxamed Maxamuud Cali garabey oo ugeeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Baladweyne

Nabdoon Maxamed Maxamuud Cali garabey oo ugeeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Baladweyne

Baladweyne: Waxaa degan xaaladda Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dib markii uu maanta ka dhacay iska horimaad khasaaro kala duwan gaystay.

Iska horimaadkan oo u dhaxeeyay ciidan taabacsan Dowladda Somaliya iyo maleeshiyaad hubeysan, oo iyagu sheegay inay ka madax bannaan yihiin dowladda, ayaa ka dhacay xaafadda Hawlwadaag.

Labada dhinac, ayaa in muddo ahba ku dagaalamayay xaafadaasi, iyadoona uu iska horimaadkan saamayn ku yeeshay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee qaybo ka mid ah magaalada.

Xaaladda, ayaa la sheegay in ay caadi ku soo laabatay, markii uu halkaasi gaaray Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, kuna baaqay in dagaalka la joojiyo.

Illaa iyo hadda waxaa la ogyahay in laba qof ku dhimatay dagaalka, iyadoo laba kalana ay ku dhaawacantay, halka rasaastii dagaalka la’isku adeegsanayay ay burbur soo gaarsiisay dhismayaal ka ag-dhow goobta lagu dagaalamay.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in mid ka mid ah dadka dhintay uu ahaa Nabdoon Maxamed Maxamuud Cali garabey, halka midka kalana uu ka tirsan yahay maleeshiyada la weeraray.

Nabadoon garabeey ayaa kamid ahaa odayaal ku baxay Dagaalka Joojintiisa balse dhaawac ka soo gaaray rasaastii la isweydaarsanayay ayuu mar danbe ugu geeriyooday.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Gobolka Hiiraan, Axmed Cismaan Cabdulle (Axmed Inji), ayaa la sheegay in uu horkacayay Ciidamadii Dowladda, ee weerarka qaaday.

Gudoomiye Jeyte, ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo iska horimaadka uu dhiigga ku daatay, ee Arbacada maanta ka dhacay Magaalada Baledweyne.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo