Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - NATIIJOOYINKII: “KULLAMADII LAGA CIYAARAY KOOBKA XIISAHA BADAN EE UEFA CHAMPIONS LEAGUE”+SAWIRO

NATIIJOOYINKII: “KULLAMADII LAGA CIYAARAY KOOBKA XIISAHA BADAN EE UEFA CHAMPIONS LEAGUE”+SAWIRO

Waxaa xalay la ciyaaray kullamo ka tirsan wareega group-yada koobka kooxaha qaarada yurup ee Champions League.

Waxaa dhacay ilaa 8 kullan 16 kooxood ayaana dagaalamay, kooxaha qaarkood ayaa guulo waaweyn gaaray.

Waxaana laga soo calaamadeeyay natiijooyin kala duwan,

Waxa uu ahaa kullankii ugu adkaa kii ka dhacay garoonka Camp Nou Stadium oo kooxda barceloona ay kusoo dhaweeysay kooxda reer talyaani ee Juventus.

Qeeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 45aad waxaa kooxda martida loo ahaa ee Barca usuurta gashay in ay hogaanka qabtaan, Waxaan Daqiqadii 45aad goolka hore u keenay mucjisada gool dhalinta Lionel Messi. Sidaas ayaa lagu kala nastay qeeybtii hore oo Barca ay ku hogamineysay 1-0.

Markii qeeybtii danbe dib leeskugu soo laabtay kooxda Beanconeri ayaa isku dayo sameysay wallow ay dhaafi waayee Tr-stergan. Waxaana xalay ay habeenkiisa aheeyd Messi oo mar kale Banooniga lasoo dhex jiiray daafacyadii kooxda Juventus waxaana ugu danbeyn dhameystiray daqiiqdii 56aad, Ivan Rakatic.

Juventus oo naf iska raadineysana waxaa kaarka jaalaha ka qaatay daqiiqadii 61aad A.Barzagli, Barcelona sidaas kuma joojin xasuuqii ay ku waday ciyaartoyda Juventus oo u muuqday kuwa aan waxba aheyn, waxaana goolkii 3aad ugu shubay Boffon oo iska taagan daqiiqadii 69aad L.Messi.

Waxa aay Dadka reer Gatalonia u aheyd habeen wacan iyaga oo joogay gurigooda Camp Nou.

Ciyaarahii kale ee dhacay waxaa ka mid ahaa kullankii kale ee isla groupkaan (D) ka tirsanaa kaas oo dhex mar kooxaha, Olympiakos gurigeeda ku marti qaaday Sporting CP, ciyaartaas ayaana ku dhamaatay 3-2 oo guusha ay ku raacday kooxdii soo martisay ee Sporting CP oo iyada qeeybtii horaba la timid sadexda gool.

NATIIJOOYINKII DHAMAAN KULLAMADII XALAY LAGA CIYAARA UCL:

Champions League – Group A

Benfica 1 – 2 CSKA Moscow

Manchester United 3 – 0 Basel

Champions League – Group B

Bayern Munich 3 – 0 Anderlecht

Celtic 0 – 5 Paris Saint Germain

Champions League – Group C

Roma 0 – 0 Atletico Madrid

Chelsea 6 – 0 Qarabag FK

Champions League – Group D

Barcelona 3 – 0 Juventus

Olympiacos 2 – 3 Sporting CP

 

W/Q: 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*