Home - Wararka Somalia - ONLF oo beenisay in madaxda sare aysan la socon dhiibista Qalbi-dhagax

ONLF oo beenisay in madaxda sare aysan la socon dhiibista Qalbi-dhagax

C/Qaadir Sh. Xasan Hirmooge, oo ah Afhayeenka Ururka ONLF ee la dagaallama dowladda Itoobiya ayaa beeniyay hadalkii guddiga baarista Qalbi-dhagax oo sheegay in madaxda sare ee Soomaaliya aysan la socon xog rasmi ahna ka heysan dhiibista Qalbi dhagax.

C/Qaadir ayaa sheegay in Qalbi-dhagax laga soo qabtay Gaalkacyo.la soo marsiiyay Cadaado ilaa la keenay Muqdisho islamarkaana muddo dheer lagu hayay Magaalada Muqdisho.

Dadka Sharciga bartay ayaa sheegaya in Dalka uu Baarlamaani yahay islamarkaana ehellada Qalbi-dhagax iyaga oo ka duulaya go’aankii Baarlamaanka ee shalay ay dacweyn karaan Dowladda Soomaaliya.

Baarlamaanka ayaa shalay sheegay in dhiibista Qalbi-dhagax ay sharci darro ahayd,waxaana uu ka digay in ay soo laabato mar kale isaga oo go’aamiyay in aan la dhiibi karin Qof muwaaddin ah iyada oo uusan ogeyn golaha shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*