Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Patrick Kluivert oo ku kalsoon inay la saxiixan karaan Lionel Messi.

Patrick Kluivert oo ku kalsoon inay la saxiixan karaan Lionel Messi.

Maamulaha ciyaaraha kooxda PSG Patrick Kluivert ayaa diiday inuu qiro in saxiixa Lionel Messi uu noqon doono mid aan macquul ahayn kadib kulankii ay xasuuqa ugaysteen kooxda Barcelona.

Kulanka kadib Patrick Kluivert oo saxaafada lahadlay ayaa yiri “inaan ku adkaano natiijadaan oo kale wax micno ah kuma fadhido, waa macquul inaan la saxiixano Lionel Messi, sababtoo ah majiraan wax naga hortaagan”

“inkastoo natiijo intaa la’eg aan ku adkaanay, weli ma oran karno waan ugudubnay wareega xiga ee Champions League, sababtoo ah kulanka dambe wax walba ayaa laga filan karaa” ayuu hadalkiisa kusoo xiray halyeeyga reer Holland ee Patrick Kluivert.

Kooxda Paris Saint Germain ayaa guul taariikhi ah ka gaartay dhigeeda Barcelona kadib markii ay garoonkooda xasuuq ba’an ay ugu geysteen camaaliqada Catalan iyagoo uga adkaaday 4:0.