Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Pep Guardiola Oo loo magacaabay Tababaraha sanadka Premier League-ga.

Pep Guardiola Oo loo magacaabay Tababaraha sanadka Premier League-ga.

Tababaraha Kooxda Man city ee Pep Guardiola ayaa ku guulaystay laba abaalmarinood xafladii xalay la qabtay kadib markii uu kooxda Man City ku hogaamiyay horyaalka premier League.

Guardiola ayaa ku guulaystay tababaraha ugu fiican sanadka horyaalka premier League iyo waliba tababaraha ugu fiican ee Abaalarinta LMA.

 Kadib markii uu ku guulaystay abaalmarinta Guardiola ayaa yiri”Waxa aan doonayaa in aan abaalmarintan la wadaago dhamaan tababarayaasha kale waxana aan rajaynayay in uu Sir Alex halka joogo si uu noola wadaago”.

“Waxa aan dhignay rikoor waxana aan xasuusan doonaa arintaas inta ka dhiman nolosheena”.

Guardiola ayaa abaalmarintan ku garaacay tababarayaasha Jurgen Klopp,Sean Dyche,Nuno Espirito Santo,Warnock & John Coleman.

Tababaraha ayaa sidoo kale tababaraha ugu fiican premier League ku garaacay tababarayaasha Klopp,Dyche,Chris Hughton,Roy Hodgson iyo Rafa Benitez.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*