Home - Barnaamijyo - Prof. Lidwein: “Masterkeyga Waxa aan ku diyaariyey Afka Soomaaliga”!

Prof. Lidwein: “Masterkeyga Waxa aan ku diyaariyey Afka Soomaaliga”!

Mustaqbal Radio: Professor Lidwein, Waa taariiq yahanad u dhalatay Iswiden ( Sweden), hadda waxa lagu magacaabaa Ladan, si ay u diyaariso derajada Masterka ayay u baahatay in ay Soomaaliya timaaddo, si ay Afka Soomaaliga ugu diyaariso derajada 2aad ee jaamacadda, Waxa ay ahayd sanadihii Soomaaliya xiriirka la lahayd midowga Soofiyeet, sidaas awgeed qof reer galbeed ah aad ayay ugu adkayd in uu xilligaas yimaado Soomaaliya sabab la xiriirta dhanka Siyaasadihii isdiidanaa ee Warsaw iyo Nato,

Sidaas awgeed waxa ay qaadatay go’aan adag, Afka Soomaaliga xilligaas waxa laga baran karay oo keli ah Magaalooyinka London iyo Moscow, sidaas awgeed mar haddiii aanay tegi kari Soomaaliya iyo Ruushka midna, waxa ay tagtay London, halkaas ayay ku diyaarisay derejada Master-ka, iyada oo  Afka Soomaaliga ku sameysay derajada Masterka.

Warbixintan waxa ku jira dhowr qof oo u dhalatay Mareykanka, Koofur Afrika iyo Waddamo kale oo bartay Afka Soomaaliga, balse dhibaato badan kala kulmay in ay bartaan oo weliba ay awoodaan ku dhawaaqidda xarfaha C, X, iyo Q, oo Afafkooda aan ku jirin

Qaybta Waxsoosaarka Raadiyaha Mustaqbal ayaa diyaarisay Warbixintan, Nuur Cali Faarax ayaa aqrinaya

Haddaba aan isweydiino sababta ay muwaadiniin Soomaaliyeed isugu dhibayaan in ay Afka Soomaaliga ku barxaan ereyada Afaf kale iyada oo dadkii lahaa Afafkaasi ay baranayaan Afkeena Soomaaliga?

Af walba waxa uu xambaarsan yahay dhaqanka dadka ku hadla, sidaas awgeed waa in aan ku tala-galno in aan Afkeena barano dadka kalana barno

Af qalaad aqoontu Miyaa?

      Warbixin Dadka Ajanabiga Ah Wey Barakaraan Afka Soomaaliga