Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - PSG oo £60 Million ku dooneysa Aguero.

PSG oo £60 Million ku dooneysa Aguero.

Kooxda reer France ee PSG ayaa diyaarineysa qiime lacageed £60 Million oo Pound ah si ay ula soo wareegaan xidiga kooxda Manchester City Sergio Aguero.

Majalada The Times ayaa ku warameysa in kooxda reer France ay doonayaan inay ka faa’ideystaan isku dhaca xidigan iyo maamulka kooxda Sky Blue.

Xidiga reer Argentina iyo macalinka Spanish-ka ah ee leyliya kooxda City ayaan ahayn kuwo xiriir ahaan isku wanaagsan waxaana xidigan laga doorbiday da’yarka dhawaan galka ah ee reer Brazil Gabriel Jesus.

Sergio Aguero ayaa tan iyo markii uu shaqada kooxda City la wareegay macalin Pep Guardiola iyo imaatinkii Gabriel Jesus mustaqbalkiisa waxa uu noqday mid shaki weyn uu soo galay kooxda Ligue 1 ayaana dooneysa inay arrinkaa kaga faa’ideysato.