Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - PSG oo ku dhibco noqotay Monaco oo uu kulan uharsan yahay.

PSG oo ku dhibco noqotay Monaco oo uu kulan uharsan yahay.

Blaise Matuidi ayaa dhaliyay laba gool kulan ay xalay kooxdiisu wacdaro ku dhigtay kooxda Metz ciyaar taa oo aheyd mid adag Psg ayaa iminka dhibco ahaan la siman hogaamiyeyaasha Monaco.

Qeybtii hore ee ciyaarta kooxda PSG ayaa hogaanka ku qabatay 2:0 kadib markii ay 3 daqiiqo gudaheed ay 2 gool ku dhaliyeen xidigaha kala ah Edison Cavani & Blaise Matuidi.

Kooxda martida loo ahaa ee Metz ayaa 10 daqiiqo ku bar-bareeysay 2 gool ee kulanka looga hogaaminayay waxaana goolka hore 78 daqiiqo dhaliyay Yann Jouffre halka goolka labaad uu daqiiqadii 88 dhaliyay Cheick Diabate.

Ciyaar yahanka France iyo Psg qeybta dhexe umaamula ayaa qaatay go’aanka ugu dambeeya ee natiijada ciyaarta go’aamiyay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee 90-ka lagu daray ayuuna ku dhaliyay goolka guusha.

Paris Saint-Germain ayaa iminka leh 77 dhibic waxaa ayna la siman yihiin AS Monaco oo horyaalka hogaamineysa  balse kulan uu uharsan yahay.