Home - Wararka Somalia - Puntland oo dab qabadsiisay 600Milyan Sh.Som, been abuur ah

Puntland oo dab qabadsiisay 600Milyan Sh.Som, been abuur ah

Maamulka Puntland ayaa maanta fagaare ku yaalla Magaalada Boosaaso ku gubay lacag dhan Lix Milyan iyo Shan boqol oo kun oo shilin Soomaali been abuur ah.

Lacagtaas ayaa dhawaan waxaa lagu qabtay Koontaroolka Magaalada Boosaaso,waxaana lagu qariyay Fuustooyin Afka laga alxamay oo lagu qarinayay.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland,Bangiga Puntland iyo mas’uuliyiinta Gobolka Bari iyo Magaalada Boosaso ayaa ka qeybgalay lacagtan gubitaankeeda.

Maamulaha Bangiga Boosaaso Muuse aw Xuseen waxaa lagu qabtay Magaalada Boosaaso waxaana ay qeyb ka ahayd lacagaha lagu dhibaateynayay dadka Soomaaliyeed.

Bartamihii Sanadkan Gobollada dhexe ee Soomaaliya waxaa soo galay Shilin Soomaali been abuur ah kaas oo qal qal geliyay Suuqyada Magaalooyinka Puntland,Galmugug,Hirshabeelle iyo Somaliland.

Markii ugu horreysay ee lacagahan ay suuqa soo galeyeen ayaa la sheegay in lacagtaas lagu sameeyay degaannada Puntland iyada oo ay sameysteen Rag Ganacsato ah oo suuqyada macaash uga raadinayay,waxaana ay ku fidday suuqyada waaweyn ee inta badan bartamaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*