Home - Wararka Somalia - Qaadkii ka soo degi jiray Muqdisho oo maanta ka soo degaya Jowhar

Qaadkii ka soo degi jiray Muqdisho oo maanta ka soo degaya Jowhar

Jowhar: Ganacsatada Qaadka ka soo dejin jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta aysan Qaad ka soo dejin doonin Magaalada Muqdisho ilamarkaana ay u wareejiyeen Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Mid ka mid ah Ganacsatada Qaadka ayaa u sheegay idaacadda Mustaqbal in khilaaf soo kala dhex galay Guddiga Ganacsatada Qaadka iyo Dowladda Federaalka ah uu salka ku hayo gadoodka ay ka sameeyeen garoonka Aadan Cadde.

Waxaa uu sheegay in 7;Diyaaradood ay maanta ka dagi doonaan Magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle islamarkaana ay Muqdisho ka joojiyeen ilaa ay dowladda wax ka beddeleyso Canshuur kordhinta ay sameysya oo ay isku fahmi waayeen Ganacsatada.

Kiilada Qaadka ah ayaa horay looga qaadi jiray Garoonka Aadan Cadde 43,000  Sh.Somali ah halka hadda laga dhigay 53,000 kun oo Shilin Soomaali ah