Home - Wararka Somalia - Qadar oo diyaarad sidaa 2tan oo Dawo ah u soo dirtay Somaliya

Qadar oo diyaarad sidaa 2tan oo Dawo ah u soo dirtay Somaliya

Dowladda Qadar ayaa diyaarad sidda 2 Tan oo dawo ah saaka u soo dirtay Soomaaliya waxaana la filayaa in maanta 12:00PM ay ka soo degto Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Qadar Cumar Idris,ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha Milatariga Qadar ee  Al-Cudeyd ay ka soo duushay Diyaaradaha Xamuulka nooca C17 ee Dowladda Qadar.

Waxaa uu sheegay in Diyaaraddan oo wadda gargaar Dawo ah ay sidoo kale ku rakibanyihiin 36 Sariiraha dhaawacyada ah islamarkaana dhaawacyada ay ka qaaddo Muqdisho u gudbin doonto Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan.

Kharashka ku baxaya dhaawacyadaas la geynayo Dalka Suudan ayuu sheegay in ay bixineyso Dowladda Qadar,sidoo kalena ay diyaaradda la socdaan 30 Dhaqtar oo u dhashay dalkaas,kuwaas oo wax ka qaban doona bukaannada ku jira Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Shalay waxaa diyaarado iyo dhaqaatiirba soo diray Dalalka Turkiga iyo jabuuti,waxaana Dalka Turkiga loo qaaday 36 Qof oo dhaawacyo daran qabaymsidoo Sidoo kale diyaaradaha ay soo direen Turkiga iyo Jabuuti waxaa ay iyana keeneen dawo gargaar ah.